Cabdullaahi Xasan Yacquub — 485
42:16 16. Kuwa ka dooda Arrinka Alle inta la ajiibay kaddib, xujadoodu qiimo kuma fadhido Rabbigood agti [10], dushoodana Cadho (Alle) baa ah, waxayna leeyihiin Cadaab Daran.
42:17 17. Alle waa Kan ku soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) Xaq iyo Miisaanka (caddaaladda). Maxaa ku ogeysiin waa intaasoo Saacadda 'Qiyaame' Dhowdahay?
42:18 18. Kuwa aan rumeysneyn baa degdegsa- da [11], halka kuwa rumeysan ay ka cabsi qabaan, waxayna og yihiin inay tahay Xaq. Kuwa uga doodana si gurracan arrinka Saacadda 'Qiyaame' waxay ku sugan yihiin habow fog.
42:19 19. Alle waa u Roon yahay addoomahiisa. Wuxuu irsaaqaa cidduu doono, waana Xoog Badanaha, Adkaadaha ah.
42:20 20. Qofkii rabaa dalagga (kasabka iyo ajarka) Aakhiro, waan u kordhinnaa dallagiisa (ajarkiisa), Qofkiise raba dalag (kasab) adduunyo wax baan ka siinnaa, Aakhiradana kuma laha wax saami ah.
42:21 21. Mise waxay leeyihiin shurako (ilaahyo) u jideeyey diin uusan Alle idmin. Haddayna jirin Kelmedda kala bixinta (Qiyaamada in lala sugo oo dib loogu dhigo cadaabka), waa loo kala garsoori lahaa dhexdooda. Daalimiintu waxay leeyihiin (Maalinta Qiyaame) cadaab xanuun badan.
42:22 22. Waxaad arki daalimiinta oo cabsi ka buuxdo waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), wuuna ku dhici iyaga, kuwase (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay gali keymaha beeraha (Jannada), waxay ka heli wax kasta ay doonaan Rabbigood agtiisa. (Arrin)kaasi baa ah Fadliga Weyn.