Cabdullaahi Xasan Yacquub — 483
42:1 1. Xaa Miim.
42:2 2. Cayn Siin Qaaf [1].
42:3 3. Sidaasuu Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah, kuugu waxyoodaa siduu ugu (waxyoodayba Nabiyadii) kaa horreeyay.
42:4 4. (Alle) baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Waana Sarreeyaha, Weyn.
42:5 5. Samooyinku waxay ku sigtaan inay ka kor dil-dillaacan [2], malaa’igtuna waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, una weydiiyaan denbi dhaaf kuwaa dhulka korkiisa ah, hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
42:6 6. Kuwase yeesha Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan), Alle baa u jeeda oo dhowraya, adiguna kama tihid wakiil.
42:7 7. Sidaasaan kuugu waxyoonnay Qur’aan Carabi ah si aad ugu digto magaalada xarunta ah (Makkah) iyo waxa hareerahee- da ah [3], iyo inaad ka digto Maalinta Kulanka (Qiyaamada) ee uusan ku jirin shaki, koox waxay gali Janno, kooxna Naar huraysa.
42:8 8. Hadduu doono Alle, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, wuxuuse geliyaa cidduu doono Naxariistiisa [4]. Daalimiintu ma leh sokeeye iyo gargaare midna.
42:9 9. Mise waxay yeesheen Alle ka sokow awliyo (ay caabudaan)? Allaah baase ah Waliga (Sokeeyaha iyo Gargaaraha dhabta ah), Isagaana nooleeya maytida, Isagaana wax walba Kara.
42:10 10. Waxaad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waa (in loo celiyaa) Allaah, Kaasi waa Allaah, Rabbigay, Isagaan tala saartaa, Xaggiisaana u noqdaa [5].