>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 482

41:47 47. Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda 'Qiyaame' [16]. Kama soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, oo ma jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwa aad ila wadaajiseen 'cibaadada' [17]? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).

41:48 48. Waxay waayi waxay horey ugu dhawaaqan jireen (oo ilaahyo been ah), waxayna yaqiinsan inaysan laheyn meel ay u baxsadaan.

41:49 49. Aadmigu marnaba kama daalo khayr bariga, hadduuse shar taabto, markaas waa quustaa, rajo beel ah.

41:50 50. Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh [18], mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.

41:51 51. Markaan u nicmeyno Aadmiga, wuu jeesadaa oo dhinac u baxaa, markuuse dhib taabto, wuu baryootan badan yahay.

41:52 52. Dheh: Bal ka warrama hadduu ka yimid (Qur’aanka) xagga Alle, markaas aad ku gaalowdaan - yaa ka lunsanaan badan kan ku sugan gaalnimo iyo khilaaf fog.

41:53 53. Waxaan ka tusi doonnaa Calaamooyin- kayaga koonka iyo xagga nafahoodaba ilaa ay uga caddaato inuu (Alle, Qur’aanka) yahay Xaq. Miyuusan ku fillayn Rabbigaa inuu u jeedo wax walba oo ka yahay marag.

41:54 54. Ogaada, hubaal, Waxay (gaaladu) ka shaki qabaan la kulanka Rabbigood, ogaada, hubaal, (Alle) wuu koobaa wax kasta oo Ku Xeeran yahay.