Cabdullaahi Xasan Yacquub — 480
41:30 30. Hubaal, kuwa yidhaahda: Rabbigayo waa Allaah, markaa haya oo ku socda jidka toosan (ee Islaamka) malaa’igtaa ku soo degta (waqtiga dhimashadooda iyagoo leh): Ha cabsannina, hana murugoonnina, kuna bishaareysta Jannadii la idiin yaboohay.
41:31 31. Annagaa ah gargaarayaashiin nolosha adduunkan iyo Aakhiradaba, waxaadna leedihiin gudaheeda waxay nafahiinnu doonaan, oo waxaad leedihiin gudaheeda waxaad dalabtaan.
41:32 32. Waa martiqaad xagga (Alle) Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
41:33 33. Yaa ka hadal wanaagsan kan ugu baaqa (dadka) xagga Alle, kaasoo isagu naf ahaantiisa sama fala oo yidhaahda: Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
41:34 34. Ma sinna samaanta iyo xumaantu, ku qaabil (xumaha) waxa wax u wanaagsan (cafis iyo masaamax iyo asxaan fal), markaas eeg! Kii ay idiin dhexeysay isaga iyo adiga cadaawadi (wuxuu noqonayaa) sidii saaxiib aad isku weyn tihiin.
41:35 35. Lama siiyo (tilmaantaa la soo xusay) waxaan ahayn kuwa samir yeesha, oo lama siiyo waxaan aheyn mid leh nasiib weyn.
41:36 36. Hadduu ku waswaasiyo shaydaan waswaasin (kuugu yeedho xume fal iyo cadho) ka magan gal Alle. Hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
41:37 37. Calaamooyinka (Alle ee muujin Weynadiisa iyo Waxdaaniyadiisa) waxaa ka mid ah habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa midna ee u sujuuda Alle (Keliya) ee abuuray, haddaad Isaga uun caabudi [11].
41:38 38. Hadday iska kibriyaan (cibaadada), kuwaa ah Rabbigaa agtiisa (malaa’igta) baa u tasbiixsada habeen iyo maalinba kamana daalaan (caabudiddiisa).