>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 478

41:12 12. Wuxuu ku dhammeystiray toddoba samood ahaan labo maalmood gudahood, wuxuuna u waxyooday samo waliba arrinkeeda. Waxaanu ku qurxinnay samada soke xiddigo, isla markaana xafid u ah [3]. Arrinkaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sarreeya, Wax kasta Ogsoon.

41:13 13. Hadday ka jeesadaan (Xaqa), markaa dheh: Waxaan idiinka digay cadaab daran la mid ah cadaabkii ku dhacay (reer) Caad iyo Thamuud.

41:14 14. Markay Rusushu ugaga yimaadeen hortooda iyo gadaashooda [4] 'iyagoo ku leh': Ha caabudina cidaan ahayn Alle. Waxay yidhaahdeen: Hadduu Rabbigayo doono [5], wuxuu soo diri lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.

41:15 15. Ma Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo yidhaahdeen: Yaa naga xoog badan? Miyeyna arag in Alle ee abuuray uu ka xoog badan yahay? Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida.

41:16 16. Markaasaan u dirnay dabeyl hugmaysa maalmo baas u leh, si aan u dhadhansiinno cadaabka dulliga nolosha adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii dulli badan, loomana gargaaro.

41:17 17. Ma Thamuud se, waxaan tusnay dhabbaha toosan (ee Islaamka), waxayse ka jeclaadeen indha la'aan (habow) halkii hanuunka, markaasaa waxaa ku dhacay cadaab daran wax dulleysa waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

41:18 18. Waxaana badbaadinnay kuwii (Xaqa) rumeeyey ee (xumaha) ka dhowrsaday.

41:19 19. (Xus, Nabiyow) Maalinta cadowyada Alle (gaalada) loo soo wada kulmin Naarta, iyagoo loo wado saf saf oo is cidhiidhyi.

41:20 20. Markay yimaadaan (Naarta oo dafiraan denbiyadooda), waxaa ku marag furi maqalkooda iyo araggooda iyo haraggooda waxay fali jireen.