Cabdullaahi Xasan Yacquub — 476
40:78 78. Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon. Ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Alle ma’ahee. Markase uu Amarka Alle yimaado, waxaa wax lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaara halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah.
40:79 79. Alle waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan.
40:80 80. Waxaana jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa.
40:81 81. Wuxuu (Alle) idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Alle beenineysaan?
40:82 82. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani (gaaladan), oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
40:83 83. Markay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farxeen waxay heysteen oo cilmi ah [14], waxaana ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen.
40:84 84. Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Alle Keliya, oo ku gaalownay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay.
40:85 85. Iimaankooduse ma ahayn mid anfacaya markay arkeen Cadaabkayaga, waa xeerka Alle oo horay ugu meel martay addoomahiisa. Waxaana ku khasaara halkaas gaalada (xaq iyo nabad diid oo dhan).