Cabdullaahi Xasan Yacquub — 474
40:59 59. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna.
40:60 60. (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya [11] waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda [12], waxay geli Naar iyagoo dullaysan.
40:61 61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan.
40:62 62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?
40:63 63. Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Alle diiday.
40:64 64. Alle waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka.
40:65 65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
40:66 66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uumanka.