>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 473

40:50 50. Waxay odhan: Miyeyna Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadi iyo khasaaro.

40:51 51. Annagaa xaqiiq u gargaari Rusuhayada iyo mu'miniinta noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi.

40:52 52. Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar).

40:53 53. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda),

40:54 54. Hanuun iyo waano u ah waxgaradka.

40:55 55. Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga [10], kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.

40:56 56. Hubaal, kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.

40:57 57. Abuuridda samooyinka iyo arlada baa xaqiiq ka weyn abuuridda dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga.

40:58 58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan.