>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 472

40:41 41. Tolkayow! Maxaa ugu wacan inaan idiinku yeedho badbaadada, halkaad iigu yeedhaan Naar.

40:42 42. Waxaad iigu yeedhaan inaan ku gaa- loobo Alle oo la wadaajiyo (cibaadada) wax aan u heysan wax cilmi ah, aniguna waxaan idiinku yeedhaa xagga (Allaah) Adkaadaha Sarreeya, Denbi Dhaafka Badan.

40:43 43. Shaki ma leh, waxaad iigu yeedheysaan Xaggiisa ma hayaan (dhib iyo dheef) loogu yeedho adduun iyo aakhiraba, waxaana laynoo celin xagga Alle, kuwa ahna xad gudbayaasha waa iyaga uun Ehlu-Naarka.

40:44 44. Marka waad xusuusan doontaan waxaan idinku leeyahay, waxaana u tala saartay arrinkayga Alle. Hubaal Alle wuu Arkaa addoomahiisa.

40:45 45. Markaasuu Alle ka dhowray xumaha waxay qooleen, oo cadaab tan u daran waxay ku degtay reer Fircoon.

40:46 46. Naarta, waxaa loo soo bandhigaa aroor iyo galab 'kastaba' [9], Maalintay Saacadda (Qiyaame) dhacdona (waxaa la odhan): Ka yeela reer Fircoon inay galaan cadaab tan ugu daran.

40:47 47. (Xus) markay iskula doodayaan Naarta gudaheeda, waxay kuwii ducafada (raciyada ahaa) ku odhan kuwii (madaxda ahaa) ee isla weynaa: Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadeysaan qayb ka mid ah Naarta?.

40:48 48. Kuwii isla weynaa waxay odhan: Waxaanu innagu dhammaan nahay kuwo ku jira; hubaal Alle waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda.

40:49 49. Oo kuwaas ku jira Naarta waxay ku odhan furahayeennada Naarta: Noo barya Rabbigiin hanaga fudaydsho maalin keliya cadaabka.