>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 470

40:26 26. Fircoon wuxuu yidhi: I daaya aan dilee Muuse, hana u yeedho Rabbigiis, waxaan ka cabsan inuu idinka beddelo diintiinna ama uu ka muujiyo arlada fasahaad [4].

40:27 27. Wuxuu Muuse yidhi: Anigu Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiinba mid kastoo islaweyn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).

40:28 28. Nin mu’min ah oo ka mid ah reer Fircoon [5] oo qarsanayey Iimaankiisa wuxuu yidhi: Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu yidhi: Rabbigay waa Allaah, wuxuuna idiinka keenay Xujooyin Cad xagga Rabbigiin? Hadduu been sheegayo, isagay dhibi beentiisu; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhici qaar waxaa uu idinku gooddiyo. Hubaal Alle ma hanuuniyo mid ah xad gudbe, been badne.

40:29 29. Tolkayow! Idinkaa leh xukunka maanta, una adag arlada. Yaase nooga gargaari Ciqaabka Alle hadduu noo yimaado. Fircoon wuxuu yidhi: Idin tusi maayo waxaan aheyn waxaan anigu u arko wanaag, idinkumana hanuuniyo waxaan aheyn dhabbaha toosan ee abbaarta ah.

40:30 30. Kii rumeeyey (Xaqa) wuxuu yidhi: Tolkayow! Waxaan idiinka cabsan sidii Maalintii xizbiyadii [6].

40:31 31. Wixii ku dhacay oo kale qolodii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyey. Alle ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa oo ku gardarrooda.

40:32 32. Tolkaygow! Waxaan anigu idiinka cabsan Maalinta isu Yeeridda [7].

40:33 33. Maalinta aad jeedin dhabarradiinna idinkoo carari, ma jiro wax idinka badbaadin Alle. Qofkuu Alle lumiyo ma uu laha wax hanuunin.