>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 47

2:275 275. Kuwa Ribada ku macaamila kama soo kacaan (qubuurahooda) waxaan aheyn sida mid uu sheydaan ku daandaanshay taabashadiisa u kaco [81]. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yidhaahdaan: Beecu wax kale maahee waa sida ribada. Alle wuu xalaaleeyey beeca oo xarrimay Ribada. Qofkii waano uga timaaddo Rabbigi markaa ka reebtooma, wuxuu leeyahay wixii horay uu u qaatay [82]; arrinkiisana waxaa go’aankiisa leh Alle (oo cafiyey); qofkiise u noqda (ribada), waa kuwaa kuwa ehlu Naarka ah, way ku dhex waari doonaan.

2:276 276. Alle ma barakeeyo Ribo, oo sababaa Sadaqooyinka inay bataan. Alle ma jecla mid kastoo abaal laawe ah, denbi badan.

2:277 277. Hubaal kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala oo ooga salaadda oo bixiya Zakada, waxay ka heli abaalgudkooda Rabbigood agti. Cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.

2:278 278. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada oo iskaga taga waxa ka baaqi ah ribada (kor saarka), haddaad tihiin mu’miniin.

2:279 279. Haddiise aydaan falin sidaa, markaa ku tala gala dagaal uu idinku qaado Alle iyo Rasuulkiisu, haddaad tawbad keentaan, waxaad leedihiin raasumaalkiinna, waa inaydaan wax u dhimin (deyn qabaha) oo kor saar ka qaadan, idinkana waa inaan waxba la idinka dhimin (raasumaalkiinna ka mid ah) [83].

2:280 280. Haddii (deymeysanuhu) daneynsan yahay waa in laga sugo (deynta) intay uga fududaato (bixinteeda), oo inaad u dhaaftaan baa idiin khayr badan, haddaad ogaan lahaydeen [84].

2:281 281. Iska jirana Maalin (Qiyaamada) la idiin soo celin xagga Alle. markaas naf walba loogu oofin si dhan waxay kasabtay iyagoo aan la dulmineyn.