Cabdullaahi Xasan Yacquub — 469
40:17 17. Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay (khayr ama shar), dulmi ma jiro Maalintaa [3]. Hubaal, Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.
40:18 18. Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo.
40:19 19. (Alle) Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxay laabuhu qarsadaanba.
40:20 20. Alle wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba. Hubaal, Alle, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
40:21 21. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan oo ka camiraad badan arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax Alle ka difaaca.
40:22 22. (Cadaab)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse gaaloobeen. Markaa Alle baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabkiisu daran yahay.
40:23 23. Waxaanu dhab ahaan la dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad.
40:24 24. Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir, beenaale ah.
40:25 25. Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan). Dhagarta gaaladu ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro iyo fashil.