>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 468

40:8 8. Rabbigayow! Gali kuwaasi Beeraha negaya (Jannada) ee aad u ballan qaadday, iyo kuwa wanaagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay (Allow) Adkaadaha Sarreeya, Xakiimka ah.

40:9 9. Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofka aad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistay, taasina waa Liibaanta Weyn.

40:10 10. Hubaal, kuwa gaalooba waxaa loogu dhawaaqi: Naceybka Alle idiin qabay (xilligii adduunka) ayaa ka weynaa naceybka aad hadda u qabtaan nafahiinna, iyadoo la idiinku yeedhay Iimaanka aadse diiddeen.

40:11 11. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaad naga yeeshay meyd (aan nafi ku jirin) labo jeer, oo na siisay nolol labo jeer [2]. waan qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)?

40:12 12. (Cadaab)kaasi (aad mudateen gaaloy) waxaa u sabab ah marka la idiinku yeedho Towxiidka iyo in Alle loo Keliya yeelo cibaadada aad gaalowdaan, markase loo shariig yeelo aad rumaysaan. Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, Weyn.

40:13 13. (Alle waa) Kan idin tusiya Calaamooyin- kiisa oo idiinka soo dejiya risiq (roob) samada, cidise kuma waantowdo aan ahayn kawa u laabashada badan (Alle) ee tawbad keenka badan.

40:14 14. Ee barya Allaah (Keliya) idinkoo u gaar yeelaya cibaadada, haba naceen gaaladuye.

40:15 15. (Alle) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada).

40:16 16. Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Alle: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).