>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 465

39:57 57. Ama aysan odhan: Haddii Alle i hanuunin lahaa, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo macaasida).

39:58 58. Ama aysan odhan markay aragto cadaabka: Haddaan heli lahaa hal noqosho oo keliya [13] waxaan ka mid ahaan lahaa sama falayaasha.

39:59 59. Haayoo, waxaa kuu yimid Aayadahayga waadse beenisay, oo is kibrisay, waxaadna ka mid ahayd gaalada.

39:60 60. Maalinta Qiyaamana waxaad arki kuwii ka been sheegay Alle [14] oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaanay ugu sugnaan Naarta hoy islaweynayaasha?

39:61 61. Wuxuuna Alle (ka) badbaadin (Naar) Kuwa (xumaha) iska jira liibaantooda darteed [15], ma taabato xumaan, mana murugoodaan.

39:62 62. Alle waa abuuraha wax walba, wax walbana Isagaa talada u haya oo maamula.

39:63 63. Isagaa iska leh khaznadaha samooyinka iyo arlada. Kuwana ku gaalooba Aayadaha Alle, kuwaa weeye kuwa khasaaray.

39:64 64. Dheh: Ma waxaan ahayn Alle baad i amreysaan inaan caabudo kuwiinaan jaahilka ahow?

39:65 65. Waxaa dhab ahaan laguu waxyooday adiga (Nabiyow) iyo kuwii (anbiyadii) kaa horreeyey: Haddaad wax la wadaajiso Alle cibaadada, waxaa xaqiiq buraya camalkaaga, waxaadna xaqiiq ka mid noqon kuwa khasaaray.

39:66 66. Ee Allaah Keliya uun caabud, kana mid ahow kuwa ku mahdiya.

39:67 67. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay [16], isagoo dhulka oo dhammi ahaan Qabashadiisa Maalinta Qiyaamaha, samooyinkana ku duuban yihiin Gacantiisa Midig [17]. Xurmoo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan) waana ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan cibaadada.