>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 462

39:32 32. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle (oo yidhaahda wuxuu leeyahay shuruko ama ilmo), oo beeniya Xaqa (Qur’aanka) markuu u yimid, miyaanay ugu sugneyn Naarta hoy gaalada?

39:33 33. Kan se la yimid Runta (Nabi Muxammad) iyo (kan) rumeeyey, kuwaa weeye kuwa (xumaha ka) dhowrsada (ee Alle u hoggaansan).

39:34 34. Waxay leeyihiin waxay doonaan Rabbigood agtiisa; kaasi waa abaalgudka sama falayaasha.

39:35 35. Si uu Alle ugu asturo wixii xumaa ay faleen, oo u siiyo ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falaan.

39:36 36. Miyuusan Alle ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Waxayna kugu cabsi geliyaan kuwa ay sokadi (caabudaan). Qofkuu Alle lumiyo, ma leh wax hanuunin.

39:37 37. Qofkuu hanuuniyona ma jiro wax lumin kara. Miyuusan Alle ahayn Adkaade, Aargudasho leh?

39:38 38. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Alle. Dheh: Bal ka warrama waxa aad caabuddaan Alle sokadi - hadduu Alle ila maago dhib, miyey yihiin kuwa faydi kara dhibkiisa? ama hadduu ila maago Naxariis, miyey yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa? Dheh: Alle baa igu Filan, Isagay tala saartaan kuwa tala saarta ee ku kalsoon.

39:39 39. Dheh: Dadkaygiiyow! U camal fasha sidiinnaas, anna waan camal fali, waadse ogaan doontaan.

39:40 40. Waa kee kan ay u iman cadaab dulleysa iyo kan ay ku dhici cadaab ma guuraan ah.