Cabdullaahi Xasan Yacquub — 460
39:11 11. Dheh: Waxaa la i amray inaan caabudo Alle Keliya anigoo u daacad ah aan waxba la wadaajineyn cibaadada.
39:12 12. Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan ugu horreeya Muslimiinta (isu dhiiba Alle).
39:13 13. Dheh: Waxaan ka cabsan haddaan ku caasiyo Rabbigey Cadaab Maalin weyn.
39:14 14. Dheh: Alle keliyaan caabudi anigoo u daacad ah waxbana la wadaajin cibaadada.
39:15 15. Ee caabuda idinku waxaad doontaan Isaga sokadi. Dheh: Khasaare qabaayaasha waa kuwa khaasari nafahooda iyo ehelkoodaba Maalinta Qiyaamaha; ogaada, kaasi weeye khasaaraha cad.
39:16 16. Waxay mudan daboollo dab Naar ah korkooda, iyo daboollo Naar ah hoostooda. Arrinkaasi waa waxa uu Alle ku cabsi geliyo addoomahiisa ee addoomahaygow iga cabsada (iskana jira xumaha).
39:17 17. Kuwa ka fogaada inay caabudaan Daaquut 'ilaahyada beenta' [4] oo u laabta Allaah (iyagoo tawbad keen ah), waxay leeyihiin bishaaro; ee u bishaaree addoomahayga.
39:18 18. Kuwa dhegaysta hadalka waanada ah oo raaca kiisa u fiican [5], kuwaa weeye (kuwa) uu Alle hanuunshay, waana kuwaa kuwa wax garadka ah.
39:19 19. Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka. Ma adigaa (Nabiyow) badbaadin kara mid geli Naarta.
39:20 20. Kuwase ka cabsada Rabbigood (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin dabaqyo sare ay ka korreeyaan dabaqyo kale loo dhisay (iyaga), oo ay webiyadu hoos qulqulaan; (Kani waa) Ballan Alle, Alle marnaba kama baxo Ballankiisa.
39:21 21. Miyaadan arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, haddana ka yeelo inay ku socdaan dhulka iyagoo ilo ah, markaas uu ku soo bixiyo dhir kala midab ah, haddana qallalaan sidaas darteed waxaad aragtaa isagoo caddaaday oo cawlan, haddana Wuxuu ka dhigaa wax baabba’ay oo u burburay gaballo? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.