>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 457

38:62 62. Waxayna (madaxdii) odhan: Maxaanu u arki la'nahay niman aanu ku tirin jirnay ehlu sharka [14]?

38:63 63. Miyaan ku diganaynay (oo waan qaldaneyn), mise indhahayagaa (haatan) ka iishay oo arki waayey?

38:64 64. Hubaal arrinkani waa xaq aan shaki lahayn - waa doodda ehlu Naarka.

38:65 65. Dheh (Nabiyow) anigu sideedaba waxaan ahay oo keliya dige, mana jiro ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).

38:66 66. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, Adkaadaha Sare, Denbi Dhaafka Badan.

38:67 67. Dheh: Kani waa dhambaal ahmiyad weyn leh.

38:68 68. Oo aad idinku ka jeedsataan.

38:69 69. Uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare (malaa’igta) markay doodayeen.

38:70 70. Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad.

38:71 71. (Xus) markuu Rabbigaa ku yidhi ma- laa’igta: Waxaan ka abuuri aadmi dhoobo.

38:72 72. Ee markaan ebyo sameyntiisa isagoo dhan oo aan ku afuufo Ruuxda (aan u abuuray), markaas ula dhaca sujuud.

38:73 73. Malaa’igtii way sujuudeen kulligood oo dhan.

38:74 74. Ibliis maahee, wuu is kibriyey, oo noqday gaal (abaal lahayn, fallaago ah).

38:75 75. (Alle) wuxuu yidhi: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, miyaad isla weyn tahay, mise isla sarreysaa?

38:76 76. (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka khayr badan, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.

38:77 77. (Alle) wuxuu yidhi: Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysan laga fogeeyey Naxariisteyda.

38:78 78. Nacaladdayda baana korkaaga ah ilaa Maalinta Is-Abaal marinta (Qiyaamada).

38:79 79. (Ibliis) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ii sug ilaa Maalinta la soo bixinayo (Qiyaamaha).

38:80 80. (Alle) wuxuu yidhi: Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo (fursad la siin).

38:81 81. Ilaa Maalinta waqtiga la yaqaan leh.

38:82 82. (Shaydaan) wuxuu yidhi: Waa igu Cisa- daadee, waan dhumin dhammaantood.

38:83 83. Addoomahaaga kuwooda daacadda ah maahee aan waxba kula wadaajin cibaadada.