Cabdullaahi Xasan Yacquub — 456
38:43 43. Waxaanu siinnay ehelkii uu beelay, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, waanona u ah wax garadka.
38:44 44. (Waxaanu nidhi): Ku qaad gacantaada xirmo dhangado yar yar ah oo ku dhufo hal mar oo ha jabin dhaartaada [13]; waxaanu hellay inuu yahay samir badne. Wacanaa addoonku, wuxuu ahaa mid (Ilaahay) u soo noqda (oo tawbad keen badan).
38:45 45. Xus addoomahayaga Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub, ee ku xoog badnaa (daacada Alle) kuna arag dheeraa (diinta).
38:46 46. Waxaanu xaqiiq ku gaar yeelnay tilmaan wanaagsan xusuusnaanta Daarta (Aakhiro).
38:47 47. Waxayna xaqiiq iyagu ka mid yihiin agtannada xulka akhyaarta ah.
38:48 48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, dhammaan waxay ka mid yihiin akhyaarta.
38:49 49. Kani (Qur'aanku) waa waano (sharaf iyo darajo), waxayna leeyihiin kuwa iska jira (xumaha) meeqaan iyo meel noqod san.
38:50 50. Jannada cadni (beero negaan) loo furay Albaabadooda.
38:51 51. Waxay ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) korreeya iyagoo u yeedhan midho tiro badan iyo cabbitaan (macaan).
38:52 52. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon, ku kooba araggooda (nimankooda), oo isku fil (da' ah).
38:53 53. Kani waa waxa la idiin yaboohay Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
38:54 54.Kani (barwaaqada iyo baraarahan) waa risiqayaga (la idiin yaboohay Qiyaamada) aan dhammaaneyn weligii.
38:55 55. Waa sidaase! Xadgudbayaashana waxaa xaqiiq sugaya rug laabasho xun.
38:56 56. Jahannama yay geli oo ku guban, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
38:57 57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen, biyo kulul oo karkaraya iyo malax qurmuun.
38:58 58. Iyo (cadaab) kaloo la cayn ah oo noocyo kala duwan ah.
38:59 59. Kani waa guuto idinla soo gali Naarta. Ma jirto iyagu soo dhoweyn ay leeyihiin! Hubaal, waxay ku guban oo gamaari Naarta.
38:60 60. Waxay ku odhan (madaxdoodii): Balse idinka ma jirto soo dhoweyn aad leedihiin! Idinkaa noo keenay 'cadaabkan'. Ee u xumaa halkan meel la degaa.
38:61 61. Waxay (raciyadii) odhan: Rabbigayow! Kii noo horseeday waxakani u kordhi cadaab laban laab ah Naarta gudaheeda.