>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 452

37:154 154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?

37:155 155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?

37:156 156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?

37:157 157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?

37:158 158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18].

37:159 159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.

37:160 160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

37:161 161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).

37:162 162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19].

37:163 163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.

37:164 164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20].

37:165 165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.

37:166 166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21].

37:167 167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:

37:168 168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] .

37:169 169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

37:170 170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan.

37:171 171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.

37:172 172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari.

37:173 173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan.

37:174 174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,

37:175 175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

37:176 176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?

37:177 177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.

37:178 178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.

37:179 179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

37:180 180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).

37:181 181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).

37:182 182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.