Cabdullaahi Xasan Yacquub — 451
37:127 127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),
37:128 128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
37:129 129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
37:130 130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin [14].
37:131 131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
37:132 132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
37:133 133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
37:134 134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
37:135 135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
37:136 136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
37:137 137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,
37:138 138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?
37:139 139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
37:140 140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
37:141 141. Marka wuu la qori tuurtay [15], wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
37:142 142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan [16].
37:143 143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
37:144 144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
37:145 145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
37:146 146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah [17].
37:147 147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
37:148 148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.
37:149 149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
37:150 150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
37:151 151. Ogaada, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
37:152 152. Allaa ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.
37:153 153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?