>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 450

37:103 103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco).

37:104 104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.

37:105 105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

37:106 106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.

37:107 107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).

37:108 108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

37:109 109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.

37:110 110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

37:111 111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.

37:112 112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq [11] _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.

37:113 113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.

37:114 114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.

37:115 115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).

37:116 116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.

37:117 117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.

37:118 118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan 'ee Islaamka' [12];

37:119 119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .

37:120 120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.

37:121 121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

37:122 122. Waxay xaqiiq ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.

37:123 123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha.

37:124 124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)?

37:125 125. Ma waxaad baridaan Bacal [13] oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.

37:126 126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.