>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 448

37:52 52. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?

37:53 53.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?.

37:54 54. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?

37:55 55. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda.

37:56 56. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).

37:57 57. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).

37:58 58. Ma nihin miyaa kuwo dhiman.

37:59 59. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?

37:60 60. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn.

37:61 61. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali.

37:62 62. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.

37:63 63. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).

37:64 64.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,

37:65 65. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;

37:66 66. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda.

37:67 67. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya.

37:68 68. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan.

37:69 69. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan.

37:70 70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi.

37:71 71. Waxaa dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore.

37:72 72. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal.

37:73 73. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).

37:74 74. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).

37:75 75. Waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).

37:76 76. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weyneyd (haraqii).