Cabdullaahi Xasan Yacquub — 447
37:25 25. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?
37:26 26.Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan.
37:27 27. Waxay ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.
37:28 28. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig [5].
37:29 29. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.
37:30 30. Kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.
37:31 31. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka).
37:32 32. Waan idin luminnay [6], innaguna waa lunsanayn.
37:33 33. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi.
37:34 34. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.
37:35 35. Waxay xaqiiq ahaayeen marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.
37:36 36. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga dayn ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?
37:37 37. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).
37:38 38. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.
37:39 39. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.
37:40 40. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.
37:41 41. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).
37:42 42. Midho, iyagoo lagu sharfi.
37:43 43. Beeraha barwaaqada (Jannada).
37:44 44. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
37:45 45. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.
37:46 46. Cad, oo u macaan kuwa cabbi.
37:47 47. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).
37:48 48. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.
37:49 49. La moodo ukummo aad loo dhowray.
37:50 50. Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.
37:51 51. Midkood hadlaya baa odhan: Waxaan anigu lahaa saaxiib.