>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 446

37:1 1. Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.

37:2 2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.

37:3 3. Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' [1].

37:4 4.Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).

37:5 5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada [2].

37:6 6. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah [3].

37:7 7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.

37:8 8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.

37:9 9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.

37:10 10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.

37:11 11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.

37:12 12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.

37:13 13. Marka la waaniyona ma waantoobaan.

37:14 14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.

37:15 15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.

37:16 16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?

37:17 17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.

37:18 18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.

37:19 19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.

37:20 20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.

37:21 21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.

37:22 22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii [4] iyo waxay caabudi jireen.

37:23 23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.

37:24 24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).