>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 445

36:71 71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?

36:72 72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.

36:73 73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?

36:74 74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan.

36:75 75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada [15].

36:76 76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.

36:77 77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan [16].

36:78 78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay [17]?

36:79 79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil.

36:80 80. Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.

36:81 81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale [18]? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.

36:82 82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.

36:83 83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin [19].