Cabdullaahi Xasan Yacquub — 444
36:55 55. Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.
36:56 56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.
36:57 57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.
36:58 58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).
36:59 59. Soocma maanta denbiilayaashow [12]!
36:60 60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
36:61 61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.
36:62 62. Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?
36:63 63. Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.
36:64 64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.
36:65 65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).
36:66 66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan [13]?
36:67 67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna [14].
36:68 68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?
36:69 69. Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.
36:70 70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.