>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 443

36:41 41. Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii [7] Doonidii buuxday.

36:42 42. Waxaana uga abuurnay wax caynkeed ah waxay fuulaan.

36:43 43. Haddaan doonnona waanu harqin, markaa ma helaan wax u soo gurmada, lamana badbaadiyo.

36:44 44. Naxariis Xaggayaga ah mooyee iyo raaxo ilaa muddo ah.

36:45 45. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Iska jira waxa ah hortiinna iyo waxa ah gadaashiinna [8] si la idiinkugu naxariisto 'ma maqlaan' [9].

36:46 46. Uma timaaddo calaamad ka mid ah calaamooyinka Rabbigood, wayse ka sii jeesadaan.

36:47 47. Marka lagu yidhaahdo: Wax ka bixiya waxa uu Alle idinku irsaaqay, kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa (xaqa) rumeeyey: Ma waxaan quudinnaa`mid hadduu doono Alle uu quudin lahaa? Idinku kuma sugnidin waxaan ahayn habow cad.

36:48 48.Waxay (gaaladu) odhan: Goormay gooddintani fuli, haddaad run sheegaysaan?

36:49 49. Ma sugayaan (gaaladu) wax kale aan aheyn hal Qaylo [10], qabaneysa iyagoo murmi.

36:50 50. Markaas ma karaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqdaan.

36:51 51. Buunkaa la aafuufi [11], mise kolkaa bay qubuurahooda ka soo yaaci iygoo u degdegaya xagga Rabbigood.

36:52 52. Waxay odhan: Hoognaye! Yaa naga soo kiciyey meeshayadii aan hurudnay? (Waxaa lagu odhan): Kanu waa wuxuu Raxmaan- ku ballan qaaday, Rusushuna run bay sheegeen.

36:53 53. Ma ahaaneyso wax kale aan aheyn hal Qaylo keliya, Mise kolkaa! Waxay dham- maan ahaan kuwo Hortayada la keeno.

36:54 54. Marka Maanta (Qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, la idinkana abaal marin maayo waxaad camal fasheen mooyee.