Cabdullaahi Xasan Yacquub — 442
36:28 28. Kuma aanu soo dejin qolodiisii gadaashi wax ciidan ah aan kaga keennay samada, mana aanu falno sidaas.
36:29 29. Waxay ahayd dhawaaq qaylo keliya ah, markaasay wada baseen.
36:30 30. Maxay qoomamo u ahaatay addoomaha! Ma jiro Rasuul u yimaada aanay ku jeesjeesin.
36:31 31. Miyeyna ogaan intee baan facyo halaagnay hortood, aan xaggooda u soo noqonayn?
36:32 32. Kulligoodna iyagoo dhan Hortayadaa la keeni.
36:33 33. Waxaa Calaamo u ah arlada meydka ah aanu nooleyno, kana soo saarno hadhuudh ay wax ka cunaan.
36:34 34. Waxaana yeellay dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, oo ka burqinnay dhexdeeda ilo (biyo ah).
36:35 35. Si ay wax uga cunaan midhahiisa, mana ayan sameyn gacmahoodu [6]. Ee Ma waysan (Alle u) mahad naqeyn?
36:36 36. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (xumaan, Alle ee) abuuray noocyada dhammaan wuxuu dhulka soo saaro, iyo nafahooda iyo waxa aysan ogayn.
36:37 37. waxaa Calaamo ugu sugan habeenka, aan ka soo saarno maalinta, oo markaas ay mugdi galaan.
36:38 38. Qorraxdu waxay ku oroddaa rugo ay leedahay. (Arrin)kaasi waa Qaddarka (Alle) Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
36:39 39. Dayaxa waxaanu u qaddarnay heerar uu maro ilaa uu soo noqdo mar kale sida laan timireed qallalan oo gabowday.
36:40 40. Looma oggola qorraxda inay haleesho dayaxa, habeenkuna ma ka hor maro maalinta. Dhammaan waxay ku dabaashaan mareeg (garangar) dhexdi.