Cabdullaahi Xasan Yacquub — 441
36:13 13. Waxaad ugu soo qaadataa tusaale; (qisada) dadkii magaalada (Antaakiya), markay u yimaadeen Rusushii (loo soo diray).
36:14 14. Markaan u dirnay Xaggooda labo (xertii Ciise ah), markaasay labadiiba beeniyeen, markaasaan ku xoojinnay mid seddexaad, waxayna yidhaahdeen: Waxaanu nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.
36:15 15.Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan ahayn dad nala mid ah, mana soo dejin Raxmaanku waxba, ee been uun baad sheegeysaan.
36:16 16. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Rabbigayo waa Og yahay inaan nahay Rusul xaggiinna loo soo diray.
36:17 17. Nama saarna waxaan ahayn gaarsiin cad (ee Diinta Alle - Islaamka).
36:18 18. Waxay 'dadkii magaalada' yidhaahdeen: Waan idin shareysannay, haddaydaan joojin (waxaad waddaan), waan idin dhagaxyeyn waxaana idinka taaban xaggayaga cadaab xanuun badan.
36:19 19. Waxay (Rusushii) yidhaahdeen: Shareysigiinnu waa la jirkiin (waana sababta shirkigiinna iyo xume falkiinna), ma in la idin waaniyey darteed [4]? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudub badan.
36:20 20. Waxaa ka yimid magaalada dhan- keeda shishe nin rooraya, wuxuu yidhi: tolkayow! Raaca Rususha;
36:21 21. Raaca kuwo aan idin weydiisan wax abaal gud ah, oo hanuunsan.
36:22 22. Maxaan u caabudeynin (Alle Keliya) ee ah kan i abuuray? Xaggiisaana la idin soo celin.
36:23 23. Ma waxaan yeeshaa (Alle) sokadi ilaahyo (kale), hadduu Raxmaanku (Alle) ila doono dhibaato, ayan i tareyn garab siintoodu waxba, oo aan awoodinba inay i badbaadiyaan?
36:24 24. Markaa xaqiiq waxaan ku suganahay habow cad.
36:25 25. Hubaal anigu waxaan rumeeyey Rabbigiin, ee i maqla.
36:26 26. Waxaa la yidhi: Gal jannada. Wuxuu yidhi: Alla dadkaygu may ogaadaan [5].
36:27 27. Sida Rabbigay iigu denbi dhaafay, oo uu iiga mid yeelay kuwa la sharfay!