Cabdullaahi Xasan Yacquub — 440
35:45 45. Hadduu Alle u qaban lahaa dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), kagama tageen (arlada) korkeeda nafley dhul ku socod ah, wuxuuse u dib dhigaa ilaa muddo magacaaban, markase uu ajalkooda yimaado, hubaal Alle wuu arkaa xaalka addoomahiisa .
36:1 1. Yaasiin [1].
36:2 2. Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.
36:3 3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.
36:4 4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.
36:5 5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.
36:6 6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.
36:7 7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).
36:8 8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin [2].
36:9 9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).
36:10 10. Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).
36:11 11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).
36:12 12. Xaqiiq waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay [3] (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).