>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 438

35:31 31. Kaan kuu waxyoonnay (Nabiyow) ee Kitaabka 'Qur'aanka' ah waa Xaq rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa.

35:32 32. Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwa aan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa [7], iyo mid dhexdhexeysta [8], iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle [9]. Kaa weeye Fadliga Weyn.

35:33 33. Jannooyin cadni (beero lagu waari) bay geli, waxaa lagu qurxin inay xidhaan gudaheeda jinjimooyin dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xariir.

35:34 34. Waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahad waxaa leh Allaah, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.

35:35 35. Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal.

35:36 36. Kuwase gaalooba abaalkooda waa Naarta Jahannama. Laguma xukumo geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifiyo cadaabkeeda. Sidaas baan ku abaal marinnaa mid kastoo gaalnimo badan.

35:37 37. Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami [10]? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).

35:38 38. Hubaal, Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).