Cabdullaahi Xasan Yacquub — 437
35:19 19. Ma sinna indhoolaha iyo mid wax arka.
35:20 20. Iyo mugdiyada iyo nuurka.
35:21 21. Iyo harka iyo kuleylka [4].
35:22 22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah [5]. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono [6], adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.
35:23 23. Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige.
35:24 24. Waxaan kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa bishaareeye iyo dige ahaan. Ma jirto ummad aanu soo marin dige.
35:25 25. Hadday ku beeeniyaan, waxaa sidoo kale beeniyey kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.
35:26 26. Markaasaan qabtay gaaladii, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
35:27 27. Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah.
35:28 28. Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan.
35:29 29. Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya 'sadaqo ahaan' waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganacsi la hubo faa’ideeda aan weligeed baareyn.
35:30 30. Si uu Alle ugu gudo si dhan ujuura- doodii, waxna uga ziyaadiyo Deeqdiisa. Hubaal, Alle Waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin badan.