>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 436

35:12 12. Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.

35:13 13. Wuxuu (Alle) habeenka dhex galiyaa maalinta, maalintana dhex galiyaa habeenka (macnaha kala badiyaa). Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo magacaaban. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isagaa leh Boqortooyada (Runta ah), kuwase aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed.

35:14 14. Haddaad u yeedhataan ma maqlaan ducadiinna, hadday idin maqli lahaa- yeenna ma idin ajiibeen. Maalinta Qiyaamahana way diidi shirkigiinna [1]. Ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Midka ah Xog ogaal Xeel dheer (Alle).

35:15 15. Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Alle. Alle waa Hodanka, Ammaanan.

35:16 16. Hadduu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni uun cusub.

35:17 17. Waxnana kuma adka Alle.

35:18 18. Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [2], oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya [3], naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).