>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 434

34:49 49. Dheh: Xaqu (Qur’aanka) waa yimid, Baadilkuna (Ibliis) waxna ma abuuri karo mana soo nooleyn karo [20].

34:50 50. Dheh: Haddaan gefo waxaan uun u gefaa nafteyda. haddaan hanuunana, waa sababta wuxuu ii waxyoodo Rabbigay. Hubaal waa wax kasta Maqle, aad u Dhow.

34:51 51. Haddaad arki lahayd [21] markay (gaalada) noqon kuwo qarracansan, oo meelay u cararaan lahayn, waxaana laga soo qabqaban meel dhow.

34:52 52. Waxay (markay arkaan cadaabka Aakhiro) odhan: Waanu rumeynay (haatan). Sidee bayse qaadashada (Iimaanka) uga suura gali meel fog (inay u soo laabtaan noloshii adduunka)?

34:53 53. Waxay dhab ahaan horey [22] ugu gaaloobeen (Xaqa), waxayna kaga sheegayeen been waxyaalaha aan muuqan ee Ghaybka ahaa xagga meel fog [23].

34:54 54. Waase la kala ooday iyaga iyo waxay rabeen [24], sidii loo galay kuwii la midka ahaa ee ka horreeyey. Hubaal waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki walaac leh.

35:1 1. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa mudan Allaah, askumaha (abuuray) samooyinka iyo arlada, ka yeelay malaa’igta Rusul (farriin sidayaal ah) leh garbo (baalal ay ku duulaan), labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wuxuu doono. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa.

35:2 2.Wax kastoo Alle u furo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, wuxuu celiyana ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

35:3 3. Dadow! Xusuusnaada Nicamadda Alle dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa la idiinka iilay?