Cabdullaahi Xasan Yacquub — 433
34:40 40. (Xus) Maalinta markuu soo wada kulmin iyagoo dhan (gaalada), markaasuu ku odhan malaa’igta: Kuwani ma idinkay idin caabudayeen?
34:41 41. Waxay odhan: Xurmo oo dhan Adigaa iska leh (Allow) oo ka hufan (xumaan iyo nuqsaan), Adiga ayaa ah Gargaarahayaga iyagu ma aha. Mayee’ Waxay caabudayeen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.
34:42 42. Marka Maalintaa (Qiyaame) uma hana- nayo midkiinna midka kale dheef iyo dhib midna,waxaanu ku odhan kuwaasi dulmiga (shirkiga iyo macaasida) falay: Dhadhami- ya Cadaabka Naarta aad beeninayseen.
34:43 43. Marka loo akhriyo Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdaan: Kani (Muxammad) ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka jeediyo waxay caabudayeen aabbayaashiin Waxayna yidhaahdaan: Kanu (Qur’aanku) wax kale ma’aha aan ahayn been abuurasho. Kuwa gaalada ahina waxay ka yidhaahdaan Xaqa markuu u yimid: Kanu (Qur’aanku) ma aha waxaan ahayn sixir cad.
34:44 44. Ma aanu siin wax Kutub (Xaggayaga) ah ay akhriyaan, umana aanu soo dirin hortaa wax dige ah.
34:45 45. Kuwii ka horreeyey waxay beeniyeen (Xaqa), kuwanna (Nabiga beeniyey) ma gaadhin toban meeloodoo meel wax ka mid ah waxa aan siinnay kuwaasi; Waxayse beeniyeen Rusushayadii, ee sidee buu mid daran u ahaa Ciqaabkeygii (aan ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
34:46 46. Dheh: Waxaan uun idinku waaninayaa mid keliya; inaad u kacdaan Alle Darti labo-labo iyo mid mid [18], markaas aad fekertaan: kuma jiro jin saaxiibkiin (Nabi Muxammad), waa oo keliya ka dige cadaab daran oo soo fool leh.
34:47 47. Dheh (Nabiyow): Waxaan idin weydiiyo oo ajar ah, waa waxaad idinku leedihiin [19]. ajarkeyga waxaan ka sugayaa Alle Keliya. Wax walbana Alle wuu u Jeedaa.
34:48 48. Dheh: Rabbigay wuxuu soo diraa Xaqa (oo xumaanta ku tiraa), waa Ogsoonaha sare ee waxaan muuqan (Ghaybka).