Cabdullaahi Xasan Yacquub — 431
34:23 23. Ma anfacdo shafeeco (Alle) Agtiisa, mid uu u idmo ma’ahee [15]. (Kuwaasna way sugaan) ilaa, marka laga faydo cabsida quluubtooda [16]: waxay odhan: Waa Maxay waxaa uu yidhi Rabbigiin? waxay odhan: Xaq. Waana Sarreeyaha, Weyn.
34:24 24. Dheh: Yaa idinka irsaaqa samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Innaga ama idinkana mid uun baa hanuunsan ama ku sugan habow cad.
34:25 25. Dheh: La idin weydiin maayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala weydiin maayo waxaad fashaan.
34:26 26. Dheh: Rabbigeen baa na soo kulmin innagoo dhammi, markaasuu inoo kala garsoori si xaq ah, waana Garsooraha weyn, wax kasta Og.
34:27 27.Dheh: I tusa kuwa aad Alle la wadaajiseen shuruko ahaan cibaadada, mayee (ma jiraan cid wax la wadaagta), waase Alle (Keliya), Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.
34:28 28. Kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn dadka oo dhan bishaareeye iyo dige ahaan, dadku se badankoodu ma oga.
34:29 29. Waxay odhan: Waa goorma yaboohaasi (soo bixinta Qiyaame) haddaad run sheegaysaan?
34:30 30. Dheh: Waqtiga la idiin qabtay waa Maalin aydaan saacad ka dib dhaceyn kana hor dhaceyn.
34:31 31. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: "Ma rumeyneyno Qur’aankan iyo wixii ka horreeyay midna (oo Kutub Alle ah)". Haddaadse arki lahayd marka daalimiinta la soo hor joojin Rabbigood, iyagoo isku tuurtuuraya hadalka oo qaarba qaarka kale eedeynayo. Kuwii la daciifsaday (raciyadda) waxay ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Haddaydaan jirteen waxaan ahaan laheyn mu’miniin.