>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 43

2:257 257. Alle waa waliga [75] kuwa rumeysan. Wuxuu kaga saaraa mugdiyada xagga Nuurka [76]. Kuwase aan (Xaqa) rumeysneyn gargaarayaashoodu waa shaydaammada Waxay kaga saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwaa weeye ehlu Naarka, gudaheeda bay ku dhex waari.

2:258 258. Miyaadan u fiirsan kaa (Namruud) ee kala dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi, inuu Alle siiyey boqortooyo darteed? Markuu Ibraahiim yidhi: Rabbigay waa Kan bixiya nolol ee sababa dhimasho. wuxuu yidhi: Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho [77]. Ibraahiim wuxuu yidhi: Alle wuxuu qorraxda ka soo saaraa xagga bari ee adigu ka soo saar xagga galbeed. Markaasuu kaa gaaloobay amakaag aamusay. Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

2:259 259. Ama sida kaa (Cuzayr) ee soo ag maray magaalo, oo iyadu iskula soo kor duntay saqafyadeedii; wuxuu yidhi: Goorma buu Alle nooleyn tani dhimashadeeda kaddib? Markaasuu Alle sababay inuu mowtanaado boqol sano, markaasuu soo nooleeyey. Wuxuu yidhi: Intee baad negaatay? wuxuu yidhi: Waxaan negaaday maalin ama maalin gelinkeed. Wuxuu yidhi: Mayee, waxaad negaatay boqol sano, ee eeg cuntadaadii iyo cabbitaankaagii, waayuhu ma doorin; eegna dameerkaagii, waxaanuna kaaga dhigaynaa calaamo dadka. Eeg lafaha, sidaan isugu soo ururinno, markaas aan u huwinno hilib; markay u caddaatay wuxuu yidhi: Waxaan ogahay inuu Alle wax walba Karo.