Cabdullaahi Xasan Yacquub — 429
34:8 8. Ma Alle buu ka been sheegi mise jin baa ku jira? Mayee, kuwa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo habow fog.
34:9 9. Miyaanay arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah oo samo iyo arlo ah? Haddaan doonno, waxaanu la goyn dhulka, ama waxaan ku soo rideynaa gabal cirka ah. Arrinkaasi waxaa ugu sugan calaamo addoon kastoo tawbad keen badan.
34:10 10. Waxaanu dhab ahaan ka siinnay Daawuud deeq dheeraad ah Xaggayaga. (Waxaana nidhi), "Buurahow, la qaada Alle ammaanka iyo xamdi naqa, iyo shimbirahowba. Waxaana u jilicinnay birta.
34:11 11. 'Annagoo leh': Samee duruucda (jaakado bireedyada loo qaato dagaalka), hagaaji sameyntooda, samana fala. Hubaal Anigu waan Arkaa waxaad fashaan.
34:12 12. Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha [2], in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.
34:13 13. Waxay u sameeyeen wuxuu rabo oo mixraabyo ah [3] iyo taallooyin [4] iyo xeerooyin (ballaadhan) baraago oo kale ah, iyo digsiyo (wax lagu kariyo) oo waaweyn aan laga qaadin meeshooda. Mahad naqa idinku Reer Daawuudow! Waa in yar addoomahayga mahad naqa badan.
34:14 14. Markaan u qaddarnay dhimashada (Sulaymaan), ma jirin wax tusiyey dhimashadiisa aan ahayn aboorka cunay ushiisa [5]. Markuu dhacay, waxaa u caddaaday jinka in hadday og yihiin Ghaybka (waxa aan muuqan ee qarsoon) aanay ku negaadeen dhibka 'shaqadaa' [6].