Cabdullaahi Xasan Yacquub — 427
33:63 63. Dadku waxay wax kaa weydiin Saacad- da (Qiyaame goortay tahay), Dheh: Cilmi- geedu wuxuu la jiraa Alle. Miyaadse og tahay waa intaasoy Saacaddu dhowdahay.
33:64 64. Hubaal Alle wuu nacladay gaalada, oo u diyaariyey Naar hur iyo olol badan.
33:65 65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, ma heleyaan difaace iyo gargaare midna.
33:66 66. Maalinta wejiyadooda lagu rogrogi Naarta, waxay odhan: wayoo waye haddaanu adeeci lahayn Alle, adeecina lahayn Rasuulka.
33:67 67. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaan adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii [39], oo naga lumiyeen Jidka (Toosan ee Islaamka).
33:68 68. Ee Rabbiyow sii cadaab labanlaab ah, nacladna naclad weyn.
33:69 69. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwii hadal xun ka sheegay Muuse, oo Alle ka barii yeelay waxay ku sheegeen, wuxuuna Alle agtiis ku leeyahay weji (sharaf).
33:70 70. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada (oo dhowra amarradiisa) kuna hadla hadal toosan (oo run ah).
33:71 71. Wuxuu idiin wanaajin acmaashiinna, idiinna dhaafi dunuubtiinna. Qofkiina adeeca Alle iyo Rasuulkiisa (Muxammad), wuxuu liibaani liibaan weyn [40].
33:72 72.Waxaan u soo bandhignay Amaanada samooyinka, arlada iyo buuraha, wayse ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen 'Culeyska amaanada' [41]. Waxaase qaaday oo ku xil darrooday Aadmiga [42]. Waa dulmi badane, jahli badan.
33:73 73. Si uu Alle u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo mushrikiinta iyo mushrikooyinka, ugana toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minaatka [43]. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.