Cabdullaahi Xasan Yacquub — 426
33:55 55. Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood [35] ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato. Alle ka cabsada. Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.
33:56 56. Hubaal Alle iyo Malaa'igtiisu waxay ku salliyaan Nabiga [36], ee kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ku salliya oo salaama salaan la yaqaan [37].
33:57 57. Xaqiiq kuwa ku dhiba Alle (shirki, xume fal iyo hadal xun) Rasuulkiisana (qowl ama ficil) - Alle wuu nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyey Cadaab dulleysa.
33:58 58. Kuwa ku dhibana mu’miniinta iyo mu’minaatka wax aanay muteysan, waxay dusha saarteen been abuurasho iyo denbi cad.
33:59 59. Nabiyow! Ku dheh (oo amar) xaasas- kaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta inay isku dadaan xijaabkooda. (Arrin) kani baa roon oo wanaagsan si loogu aqoonsado, sidaas darteedna aan loo faduulin. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
33:60 60. Haddayan munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka [38] iyo kuwa gilgili (wararka beenta ah ku faafiya) magaalada joojinin (waxay ku jiraan), waanu kugu salladi oo ka adkaan, markaas kugulama deris ahaanayaan in yar ma’ahee.
33:61 61. Waa la nacladay, meel kastoo laga helo, waa la qab-qaban oo la layn leyn daran.
33:62 62. Waa hannaankii Alle ee ku meel maray kuwii hore ee tagay, kamana heleysid hannaanka Alle wax is beddel ah.