>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 423

33:36 36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Alle iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah. Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumitaan cad.

33:37 37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku tidhi kan uu Alle u nicmeeyay [27] adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Alle ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen 'oo iskood u fureen' [28]. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.

33:38 38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey [29]. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Alle waa qaddar horay ka fula.

33:39 39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa [30], oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.

33:40 40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada [31]. Alle wax walba wuu Og yahay.

33:41 41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Alle xusid badan.

33:42 42. Xurmad weyneeyana oo ka hufa (xumaan iyo nuqsaan) aroor iyo galabba.

33:43 43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna [32], malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.