Cabdullaahi Xasan Yacquub — 421
33:23 23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay ballankay la galeen Alle, marka waxaa ka mid ah mid gutay waajibkiisii (oo shahiiday), waxaana ka mid ah mid weli sugaya; mana ayan beddelin (ballankay la galeen Alle) in yarba ha ahaatee.
33:24 24. Waa si uu Alle uga abaal mariyo runlowyda runtooda, oo u cadaabo munaafiqiinta hadduu doono ama uga tawbad aqbalo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
33:25 25. Wuxuu Alle dib ugula ceshay gaalada ciilkooda, ma ay helin wax khayr ah; Alle baana ka kaafiyey mu’miniinta dagaal ay galaan. Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
33:26 26. Wuxuu ka soo saarayna kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka [19] ee caawiyey (gaalada mushrikiinta ah) dhufaysyadooda oo ku tuuray quluubtooda argagax (sidaa darteed) qaar (ka mid ah) waad leyseen, qaar (kalena) soo qafaalateen.
33:27 27. Wuxuu idin dhaxalsiiyey dhulkooda iyo guryahooda iyo maalkooda [20] iyo dhul aydaan (hadda ka hor) cag dhigin [21]. Alle wax walba wuu Karaa.
33:28 28. Nabiyow! Ku dheh xaasaskaaga: Haddaad tihiin kuwo raba nolosha adduun- kan iyo quruxdeeda - kaalaya waxaan idin siin sahay oo idin diri diritaan quruxsan.
33:29 29. Haddaadse rabtaan Allaah iyo Rasuulkiisa iyo Daarta Aakhiro, hubaal Alle wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaalgud weyn (Janno).
33:30 30. Xaasaska Nabigow! Mid kastoo idinka mid ah oo la timaadda xumaan (macsi) cad, waxaa loo labolaabi cadaabka. Arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.