Cabdullaahi Xasan Yacquub — 420
33:16 16. Dheh: Cararku wax idiin ma tarayo, haddaad ka carartaan geeri ama dil, markaas laydiin ku raaxeyn maayo (adduunka) in yar mooyaane.
33:17 17. Dheh: Waa kuma kan idinka qaban kara Alle hadduu idinla doono dhibaato ama idinla doono naxariis [10]? Umana helayaan nafahooda Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.
33:18 18. Alle dhab ahaan waa og yahay kuwa idinka mid ah ee ka reeba 'dadka jihaadka Jidka Alle' [11], iyo kuwa ku yidhaahda walaalahood: Noo kaalaya [12]; mana yimaadaan dagaalka in yar ma’ahee [13].
33:19 19. Ee bakhayllada ah xaggiinna [14], markase cabsi timaaddo waxaad arki iyagoo ku soo eegaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid la sakaraad ah geeri; markase ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan, ka bakhaysha khayrka; kuwaasi ma ay rumaynin (Xaqa). Sidaa awgeed buu Alle u buriyey acmaashooda, arrinkaasina Alle wuu u fudud yahay.
33:20 20. Waxay moodaan Axzaabtu inayan tegin [15], haddayna axzaabtu imaan 'mar kale' [16], waxay jeclaan lahaayeen in baadiyaha ay la jiraan reer miyiga oo halkaas ka weydiinayaan wararkiinna; hadday idin dhex joogi lahaayeenna ma ay dagaal galeen in yar ma’ahee.
33:21 21. Waxaa idiinku sugan Rasuulka Alle tusaale wanaagsan [17] uu raaco mid kastoo rajeeya (la Kulanka) Alle iyo Maalinta Aakhiro, oo xusa Alle in badan.
33:22 22. Markay Mu’minintu arkeen xizbiyadii (gaaladii isu soo baheystay) waxay yidhaahdeen: Kani waa waxay Alle iyo Rasuulkiisu noo yabooheen [18], Alle iyo Rasuulkiisuna run bay sheegeen, umana kordhin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.