Cabdullaahi Xasan Yacquub — 42
2:253 253. Rusushan waxaan ka yeelnay qaar ka mid ah inay dheer yihiin fadli qaar kale oo iyaga ah; waxaa ka mid ah kuwo uu Alle (toos) ula hadlay (sida Aadam, Muuse, iyo Muxammad); wuxuuna kor u qaaday qaarkood darajooyin (Nuux, Ibraahiim, Muuse, Ciise iyo Muxammad); Waxaanuna siinnay Ciise, ina Maryam, Xujooyin cad, oo ku xoojinnay Ruuxa Daahirka (Jabriil). Hadduu Alle doono, facyadaas xigsaday ma ay is dagaaleen, kaddib markay Xujooyin cad u yimaadeen, (wuxuuse siiyey akhyaar xagga diinta, sidaa awgeed) way iskhilaafeen – marka waxaa jiray qaar ka mid ahoo rumeeyey, iyo kuwo gaaloobay. Hadduu Alle doonona, ma ay is dagaaleen, wuxuuse Alle falaa wuxuu doono.
2:254 254. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxaan idinku arsaaqnay ka hor inta aanay imaan Maalin aanay jirin beecshuro, saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna, gaaladuna waa iyaga daalimiinta.
2:255 255. Allaah! Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn, waa Weligi Noolaha, Daryeelaha iyo Maamulaha waxa uunka jira, ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Wuxuu leeyahay wax walba oo ku sugan samooyinka iyo arlada. Waa kuma kan agtiis shafeeco qaadi kara Isagoo idmo maahee? Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah. Ma koobi karaan (uumankiisa) wax ka mid ah Cilmigiisa wuxuu doono ma’ahee. Kursigiisu [71] wuu ka ballaadhan yahay samooyinka iyo arlada, mana cusleeyaan ilaalintoodu [72], waana Sarreeyaha weyn [73].
2:256 256. Ma jirto wax isku khasbid ah (aqbalaadda) diinta. Hanuunka waa mid si cad uga muuqda habowga. Ee qofkii ku gaalooba Daaquudka [74] oo rumeeya Alle, wuxuu ku dhagey guntin adag oo aan go’ayn. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.