Cabdullaahi Xasan Yacquub — 419
33:7 7. (Xus Nabiyow) markaan ka qaadnay Nabiyada ballankoodii iyo adigaba, iyo Nuux, Ibraahiim, Muuse iyo Ciise - ina Maryam. Waxaan ka qaadnay ballan adag.
33:8 8. Si uu (Alle) wax uga weydiiyo run sheegyaasha runtooda [6], Wuxuuna u diyaariyey gaalada cadaab xanuun badan.
33:9 9. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusuusta Nicmadda Alle idiin galay markay idiin yimaadeen ciidammo [7], markaasaan ku dirnay dabeyl daran iyo ciidammo aydaan arag. Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
33:10 10. (Xusuusta) markay idiinkaga yimaadeen dushiinna iyo hoostiinnaba, indhuhuna iisheen, wadnayaashuna soo gaareen dhuumaha, oo aad billowdeen inaad ku malaysaan Alle malooyin (kala duwan).
33:11 11. Halkaas baa mu’miniinta lagu imtixaa- nay, oo la gilgilay gil-gilid daran.
33:12 12. Markay munaafiqiintu iyo kuwa quluubta ka buka [8] yidhaaydeen: Alle iyo Rasuulkiisu waxa ay noo yabooheen waa waxaan waxba ka jirin oo hoditaan ah.
33:13 13. Markay koox idinka mid ahi tidhi, Reer Yathribow [9]! Halkaan joogitaan idiin ma leh ee u noqda (xagga Madiina). Koox kalena oo ka mid ah idan weydiisteen Nabiga iyagoo leh: Guryahayagu waa baylah, mana ahayn baylah, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan.
33:14 14. Haddii laga soo weerari lahaa Magaalada dhinacyadeeda, markaas laga dalbi lahaa (munaafiqiinta) fidno (inay gaaloobaan), horay bay ka yeeli lahaayeen, kamana labo laabeeyeen wax yar mooyee.
33:15 15. Oo waxay horay axdi kula galeen Alle inaysan jeedineyn dhabarradooda (waqtiga dagaalka). Axdiga Alle waa mid lays weydiin.