Cabdullaahi Xasan Yacquub — 418
33:1 1. Nabiyow! Ku sugnow ka cabsashada Alle (iyo caabuddidi), ha adeecinna gaalada iyo munaafiqiinta. Hubaal, Alle waa wax kasta Ogsoone, Xikmad Badan.
33:2 2. Raac waxa laguu waxyoodo ee kaaga yimaada Rabbigaa. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.
33:3 3. Oo talo saaro Alle, Alle ku Filan wakiil (taliye) ahaan.
33:4 4. Uma yeelin Alle ninna labo qalbi oo ku jira gudahiisa, kamana yeelin xaasaskiinna aad ku sheegtaan inay idinka yihiin xaaraan sida hooyooyinkiin, hooyooyinkiin oo kale [1], kamana uu dhigin kuwaad u soo korsateen ilmahiinna ahaan inay la mid yihiin ilmahiinna runta ah aad dhasheen [2]. Taasi wax kale maahee waa hadal uun aad ka tidhaahdaan afka. Alle wuxuu ku hadlaa runta, Isagaana wax ku hanuunsha Jidka (Toosan ee Islaamka).
33:5 5. Ugu abtiriya (ilmahaas aad soo korsateen uun) aabbayaashood dhalay, sidaasaa caddaaladsan Alle agtiisa. Haddiise aydaan garanayn aabbayaashood, waa walaalihiin diinta iyo kuwaad ka xoreyseen addoonnimada 'aad xidhiidhka adag wadaagtaan iyo isu hiillinta,' kumana lihidin eed wixii gef idiinka dhaca, (waxaase eed ku leedihiin waxay) kas iyo ula kac u sameeyaan quluubtiinnu [3]. Alle waa Denbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
33:6 6.Nabiga isagaa uga xaq leh mu’miniinta nafahooda [4], xaasaskiisuna waa hooyooyinkood (oo kale). Qaraabaduna iyagaa qaarkood qaarka kale kaga mudan oo xaq leh (dhaxalka) Kitaabka Alle xagga mu’miniinta (kale) iyo (xagga) muhaajiriinta, in maahee aad u fashaan wanaag saaxiibbadiin, kaasi wuxuu ku qoran yahay Kitaabka [5].