>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 417

32:21 21. Waxaanu dhadhansiineynaa cadaabka dhow [5] cadaabka weyn (ee Aakhiro) ka sokow, bal inay (u soo) noqdaan ( Xaqa oo tawbad keenaan).

32:22 22. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi oo ka jeesada? Waanu ka aarsan denbiilayaasha.

32:23 23. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka [6], ee ha ka shakiyin la kulankiisa [7], Waxaana uga yeelnay (Tawraadda) hanuun reer Israa’iil.

32:24 24. Waxaanu ka yeellay qaar ka mid ah (ilmahii Israa’iil) hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markay samreen [8], waxayna ahaayeen kuwo yaqiinsan Aayadahayaga.

32:25 25. Hubaal, Rabbigaa baa kala xukumi (mu'miniinta iyo gaalada) dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanayeen.

32:26 26. Miyaanay u caddaan intaan hallignay hortood oo facyo ah oo ay guryahoodii maraan, hubaal arrinkaasi waxaa ku sugan calaamooyin. Ee miyaanay wax maqleyn?

32:27 27. Miyaanay arkayn inaanu u soo kaxeyno biyaha dhul abaar ah aan dhir laheyn, oo aan ka soo saarno sarac ay wax ka cunaan xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee miyaanay wax arkeyn?

32:28 28. Waxay odhan: Waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan?

32:29 29. Dheh: Maalinta kala xukunku [9] ma anfaco gaalada iimaankoodu (markaas), lamana siiyo fursad (tawbad keen).

32:30 30. Ee isaga jeeso oo sug [10], iyaguna (gaalada) waxay sugayaan (waxaad ku dambeysaan).