>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 416

32:12 12. Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye.

32:13 13. Haddaan doonno waxaan siin laheyn naf walba hanuunkeeda, Qawl xaq ah baase horay iiga dhacay inaan ka buuxin Jahannama jinka iyo insiga (igu caasiya) dhammaan.

32:14 14. Ee dhadhamiya, waayo waxaad illowdeen (dan u geli weydeen) la Kulanka Maalintiinnaan (Qiyaame), Annaguna waanu idin illoowi (oo idiinka tageynaa Naarta), dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinnii xumaa dartiis.

32:15 15. Sideedaba waxaa rumeysan Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo, la dhaca sujuud [4] oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu is kibrinin.

32:16 16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogollada jiifka, baryaan Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaba, waxaanu siinnayna wax ka bixiyaan (sadaqeystaan).

32:17 17. Ma oga nafi waxa loo qariyey (Jannada dhexdeeda) oo ay indho ku qabowsadaan, abaal marin awgeed waxay camal san falayeen.

32:18 18. Ma mid mu'min ah baa la mid ah mid caasi ah? Ma ay sinna.

32:19 19. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee fala samaha, Beeraha barwaaqada ah (Jannada) waa hoygooda daa’inka ah, marti soor ahaan waxay camal san falayeen.

32:20 20. Kuwase caasiyooba, hoygoodu waa Naar, markastoo ay doonaan inay ka soo baxaan waa lagu celin, waxaana lagu odhan: Dhadhamiya cadaabka Naarta aad beenin jirteen.