Cabdullaahi Xasan Yacquub — 414
31:29 29. Miyeydaan ogeyn in Alle habeenka dhex galiyo maalinta, maalintana dhex gasho habeenka (oo kala badiyo), Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walba ku roorayo waddadiisa ilaa muddo magacaaban; iyo in Alle waxaad fashaan Og yahay?
31:30 30. Arrinkaasi waxaa ugu wacan in Alle uu Xaq yahay, waxa ka sokeeya ay baryaanna (caabudaan) uu baadil yahay, iyo inuu Alle yahay Sarreeyaha Weyn.
31:31 31. Miyaadan ogeyn inay doomuhu ku dul maaxaan badda Nicmadda Alle [7], si uu idiin tusiyo wax ka mid ah Calaamooyinkiisa? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan Calaamooyin samir badane kastoo, mahad naq badan.
31:32 32. Markuu hir buuro la moodo uu daboolo (dadka), waxay baryaan Alle Keligii oo u gaar yeelaan cibaadada. Markase uu nabad ku keeno barriga, waxaa ka mid ah mid dhexdhexeysan [8]. Ma diidona Aayadahayaga waxaan aheyn axdi laawe kastoo khaa’in ah, abaal dhac badan.
31:33 33. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, oo ka baqa Maalin aanu waalid u geleyn wax abaal ah ilmihiisa, ilmuhuna u geleyn wax abaal ah waalid. Hubaal, Ballanka Alle waa Xaq, ee yeysan idin hodin nolosha Adduunku, yaanuna idinka hodin kan wax hoda (shaydaanka) xagga Alle.
31:34 34. Hubaal Alle Keliya baa Og waqtiga Saacadda (Qiyaame dhaceyso), oo soo dejiya roobka, Wuxuu Og yahay waxa ku jira ilma galeennada [9]. Nafina ma oga waxay mudan berri [10], nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman. Hubaal, Alle waa wax kasta Oge, Xog Ogaal ah 'Xeel Dheer' [11].