>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 411

31:1 1. Alif Laam Miim [1].

31:2 2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda badan [2].

31:3 3. Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.

31:4 4. Kuwa ooga salaadda, bixiyana Zakada, ahna kuwo iyagu Aakhiro yaqiinsan.

31:5 5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, waana kuwaa liibaanayaasha.

31:6 6. Waxaa ka mid ah dadka mid gadan hadal uu isku maaweeliyo [3] si uu uga lumiyo (naftiisa iyo dadkaba) Jidka Alle (Islaamka) cilmi la'aan, oo ku jees-jeesa (diinta). Kuwaa waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.

31:7 7. Marka loo akhriyo Aayadahayaga (Qur’aanka), ka jeesta kibir darti, sida inaanu maqal, sidiiyoo uu qabo dhego culeys, ee ugu bishaaree Cadaab xanuun badan.

31:8 8. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero barwaaqo ah 'Janno'.

31:9 9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa Ballan Alle oo Xaq ah. Alle waa Adkaadaha Sare , Xakiimka ah.

31:10 10. Wuxuu abuuray samooyinka tiirar la’aan aad aragtaan, wuxuuna ku tuuray dhulka buuro sugan si aanu idiin la dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdeeda nafley nooc kasta leh. Waxaanu ka soo dejinnay biyo (roob) daruuraha, waxaana ku soo bixinnay (dhir) nooc kasta oo wanaagsan.

31:11 11. Kani waa Abuurka Alle ee i tusa waxay abuureen kuwa sokadi (la caabudo). Mayee, dulmi (shirki iyo xume) falayaashu waxay ku jiraan habow cad.